192 views 5 mins 0 comments

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka ayaa noqday xudunta loollanka cusub ee Mareykanka iyo Shiinaha

In Bogga Hore, Wararka, Warbixinno Gaar Ah
August 09, 2026

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka ayaa noqday xudunta loollanka cusub ee Mareykanka iyo Shiinaha. Shiinaha ayaa xayiraado cusub ku soo rogay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo diro Mareykanka iyo tiknoolajiyadooda. Tallaabadan ayaa waxaa la sheegey in ay jawaab u tahay xannibaadaha Washington ku hayso shirkadaha iyo qalabka tiknoolajiyadda Shiinaha. Labadan dal ayaa inkasta oo aanu weli dagaalkoodu si toos ah u qarxin, uu khilaafkoodu salka ku hayaa isgarbin la xidhiidha cidda maamuli doonta qalabka lagu dagaallamayo, la isku basaasayo, lagu ilaalinayo xuduudaha, laguna hagayo dhaqaalaha mustaqbalka.

Soo dhawaada saaxiibayaal, barnaamijkan ayaanu si kooban uga aga faalaaneyna dhacdada soo cusbooneysiisey khilaafkan, awoodaha ticnologyada ee labada dal, saameynta silsiladaha sahayda hubka iyo waxa ay arintani uga dhigan tahay dunida.

Shiinaha ayaa Arbacadii shalay qaaday tallaabooyin cusub oo ka dhan ah Mareykanka, waxa uuna mamnuucay in hay’adaha shiinaha iyo shakhsiyaadkuba ay ganacsi la yeeshaan toddobo hay’adood oo Mareykan ah, waxa uuna ku dhawaaqey xayiraado cusub oo sii xoojinaya xakamaynta dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo dhoofiyo Mareykanka iyo teknoolojiyadooda, isla markaana waxaa uu xaddiday doorka hay’adaha Mareykanka ee kormeerka iyo shahaado-siinta warshadaha Shiinaha.

Shiinuhu waxa uu ku sheegey tallaabooyinkani in ay jawaab u yihiin xayiraadihii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku soo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee Shiinaha, shaybaarada tijaabada, diyaaradaha drones-ka, router-rada internetka, fiilooyinka badda hoosteeda mara, qalabka casriga ah ee robotyada iyo qalabka korontada beddela (power inverters).

Waxa kale oo uu afhayeenka u hadley Shiinuhu uu xusey in Mareykanku toddobaadkii hore ku daray in ka badan 40 hay’adood oo Shiinees ah liiska shirkadaha ay badeecaduhu ku eedeysan yihiin in ay soo saareen shaqaale la gu qasbey shaqada oo hore mareykanku sharci uga soo saarey gaar ahaan gobolka Xinjiang.

Go’aankan ayaa sidoo kale yimid kadib markii Reuters ay werisay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu diyaarinayo tallaabo amni oo lagu mamnuucayo in Mareykanka laga soo dejiyo noocyo cusub oo qalab xog-kaydineed oo Shiinuhu sameeyey (data centre components), oo ay ku jiraan optical transceivers.

Haseyeeshee awoodda Tiknoolajiyadeed ee Shiinaha ayaa  waxay ka soo bilaabmaysaa warshadaha dalkaas oo lagu sameeyo qayb weyn oo ka mid ah drones-ka rayidka ah ee dunida lagu isticmaalo iyo waliba silsiladooda isku xidhan ee soo saarta baytariyada, matoorada yaryar, kamaradaha, qalabka isgaadhsiinta iyo nidaamyada hagidda. Isku xidhnaantaas oo shirkadaha Shiinaha u suurtagelisay inay soo saaraan drones tiro badan, qiimahooduna hooseeyo, isla markaana si joogto ah loo casriyeeyo.

Halka Mareykanku uu ku xooggan yahay software-rada, garaadka macmalka ah, dayax-gacmeedyada, nidaamyada isgaadhsiinta iyo diyaaradaha militariga ee leh awoodda badan. Mareykanku waxa uu muddo dheer hormuud ka ahaa samaynta drones waaweyn ee loo isticmaalo sahanka, ilaalinta iyo hawlgallada militari. Hase yeeshee, dagaalladii dhowaan dhacay waxay muujiyeen qiimaha ay leeyihiin drones-ka yaryar ee jaban, tirada badanna lagu soo saari karo.

Dagaalka Ukraine ayaa beddelay fahamkii laga haystay hubkan. Drones jaban ayaa loo adeegsaday sahaminta goobaha, hagidda weerarrada iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa ciidammada. Qalab qiimihiisu hooseeyo ayaa mararka qaar hawlgeliyey ama mashquuliyey nidaamyo difaac oo malaayiin dollar ku kacaya. Taasi waxay quwadaha waaweyn ku qasabtay inay dib u eegaan habka ay u qorsheeyaan dagaallada mustaqbalka.

Mareykanku wuxuu hadda doonayaa inuu dhiso warshado gudaha Mareykanka ah oo awood u leh inay soo saaraan drones jaban oo tiro badan. Barnaamijyadiisa cusub waxay xoogga saarayaan diyaarado iskood u shaqayn kara, kuwo kooxo ahaan u wada duula iyo nidaamyo si degdeg ah loogu beddeli karo qalabka dagaalka ku luma. Haseyeeshee Caqabadda horyaala Washington ayaa ah in qaybo badan oo agabka loogu baahan yahay warshadahaasi sida baytariyada, matoorada iyo qalabka elektaroonigga ah—ay weli si toos ah ama dadban uga yimaaddaan Shiinaha.

Ku-tiirsanaantaasi oo aan kaliya ku koobneyn Mareykanka ee xataa saameysey Ukraine. Ukraine, oo samaysatay warshado badan oo drones ah, ayaa weli u baahan qaybo Shiinaha laga soo saaro. Midowga Yurub ayaana dhowaan oggolaaday in qayb ka mid ah maalgelinta difaaca Ukraine lagu iibsan karo Shiinaha, sababtoo ah Yurub gudaheeda lagama heli karo tirada iyo xawaaraha loo baahan yahay.

Tani waxay muujinaysaa kaalinta gaarka ah ee Shiinuhu ku leeyahay silsiladda sahayda caalamiga ah. Beijing ayaana xataa hadii ayaaney si dhammeystiran u mamnuucin dhoofinta droneska si ay cadaadis u abuurto ay xaddidaadda baytariya, matoorada, kamarado gaar ah ama qalabka hagidda ay gaabin kartaa wax-soo-saarka shirkado badan oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo dalal kale.