67 views 2 mins 0 comments

Ra’iisul Wasaaraha Germany, Friedrich Merz, ayaa hoos u dhigay khilaafka u dhexeeya Washington

In Bogga Hore, Wararka
May 04, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa isku dayaya inuu yareeyo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Jarmalka kadib markii Washington ay shaacisay qorshe ay ku dhimayso tirada ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jarmalka.

Merz ayaa Axaddii sheegay in qorshaha Maraykanka ee ka bixitaanka ciidamada uusan “wax xidhiidh ah la lahayn” khilaafka u dhexeeya Donald Trump ee ku saabsan istaraatiijiyadda dagaalka Iran. “Waxaan weli aaminsanahay in Maraykanku yahay saaxiibka ugu muhiimsan ee aan ku leenahay Isbahaysiga Waqooyiga Atlantic-ga (NATO),” ayuu Merz yidhi mar uu la hadlayey warbaahinta ARD.

Xiisaddan ayaa bilaabatay Isniintii markii Merz uu dhaliilay tallaabooyinka Trump ee Iran, halkaas oo Maraykanka iyo Israel ay dagaal ka bilaabeen iyaga oo aan kala tashan xulafadooda NATO.

Merz ayaana sheegay in Iran ay “ceebaynayso” Maraykanka, isagoo ka digay in Washington aysan lahayn waddo cad oo ay kaga bixi karto dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul, oo mar dambe isku dayay inuu jilciyo hadalladaas, ayaa ku fasirey hadalka Ra’iisal Wasaaraha wax uu ku sheegey, “dhaqanka xun” ee Iran ee wada-hadallada nabadda.

Si kastaba ha haatee, arrintaasi ma aysan yareyn xanafta Washington. Trump ayaa si kulul uga jawaabay hadallada Merz, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Jarmalka “uusan garanayn waxa uu ka hadlayo”, isla markaana ku hanjabay inuu ciidamada Maraykanka kala bixi doono Jarmalka.

Jimcihiina, Wasiirka Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa amar ku bixiyay in la ga saaro Jarmalka qiyaastii 5,000 askari oo Maraykan ah 12-ka bilood ee soo socda. Taas oo la macno ah in tirada ciidamada Maraykanka ee Jarmalka ay hoos u dhacdo qiyaastii 14%. Jarmalka ayaa hoy u ah tirada ugu badan ee ciidamada Maraykanka ee Yurub oo qiyaastii 36,000 askari ay ka joogaan.

Trump ayaa sidoo kale Jimcihii ku dhawaaqay canshuuro (tariffs) dheeraad ah oo lagu kordhiyay baabuurta xamuulka ah ee ka imanaya Midowga Yurub, oo Jarmalku uu ka yahay dalka ugu badan ee soo saara.