Bariga Dhexe wuxuu ku dhow yahay inuu galo isbeddel siyaasadeed oo weyn oo ruxa gobolka. Ku dhowaad nus qarni, tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, Iran oo ay hoggaamiyaan culimo diimeed ayaa ahayd tiirka ugu weyn ee qaabeeya siyaasadda Bariga Dhexe. Hogaamiyayaasha kacaanka Iran waxay Lubnaan ka abuureen Xisbullah (Hezbollah), waxay taageereen oo hub […]
Maalin qoysaska Mareykanku xidhnaayeen dharkoodii ugu quruxda badnaa si ay uga qeyb galaan ciida Easter-ka, oo Axad ah, carruurta Mareykankuna ay saladahooda Easter-ka kala soo baxayeen nacnacyo ay ku sugayeen ciyaaraha raadinta ukunta, madaxweynaha Mareykanka—oo ah qof isla carruurtaas la baro inay ixtiraamaan oo qiimeeyaan—ayaa qoraal laga yaabo in uu yahay kii ugu waalida casaa […]
Falcelinta waddamada uu Trump ugu baaqey inay ku soo biiran howlgalka Hormuz Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhammaadkii toddobaadka ka codsaday waddamada xulafada la ah inay gacan ka geystaan sugidda amniga marinka baddeed ee Hormuz, xilli ciidamada Iran ay sii wadaan weerarro ka dhan ah marinkaas muhiimka ah ee biyaha, iyada oo dagaalka u dhexeeya […]
Dalka Saudi Arabia ayaa sheegay in nidaamyadiisa difaaca cirku ay qabteen oo soo rideen 10 diyaaradood oo nooca loo yaqaano drones-ka ah kuwaas oo lagu arkay hawada agagaarka caasimadda Riyadh iyo sidoo kale gobollada bari ee dalkaasi. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaana sheegay in drones-ka la arkay ka hor inta aysan gaadhin bartilmaameedyadooda, isla markaana nidaamyada difaaca […]
Toban qof oo ajaanib ah ayaa lagu xiray dalka United Arab Emirates kadib markii lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaallo ku saabsan weerarro gantaallo iyo drones ah oo ka dhacay dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Emirates News Agency (WAM). Dadkan ayaana faafiyey muuqaallo dhab ah oo muujinaya nidaamyada difaaca hawada oo […]
Saldhig milatari oo ku yaalla galbeedka magaalada Erbil oo hoy u ah askar Faransiis iyo Ciraaqiyiin ah ayaa lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn (drones). Weerarkaasi ayaana dilay hal askari oo Faransiis ah, islamarkaana lagu dhaawacay dhowr kale. Saldhiggan ayaa qayb ka ahaa howlgaladda Curaaq lagula dagaallamo kooxda Daacish (ISIS). Waxaana masuuliyadda weeraradaas sheegtey kooxda […]
