Dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka ayaa dalbaday raalligelin rasmi ah iyo magdhow laga bixiyo ganacsigii addoonsiga
Dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka ayaa dalbaday raalligelin rasmi ah iyo magdhow laga bixiyo ganacsigii addoonsiga ee Atlantic-ka ee lagu iibsan jirey dadka nool ee Afrikaanka ah kaas oo qarniyo badan socday. Dalabkan ayaa yimid dhammaadkii shir saddex maalmood ka socday magaalada Accra ee dalka Ghana, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta dadaallada lagu raadinayo caddaalad […]
